Marekanka Oo Muwaadinintiisa Kaga Digay Kenya.

0
344

Dowladda wadanka Mareekanka ayaa waxaa ay muwaadininteeda kaga Digtay In Ay usocdaalaan dalka Kenya oo ay kusoo foodleedahay doorashooyinka wadankaasi.

Dowladdu waxaa ay sheegtay in muwaadininteeda ay kaga baqeyso rabshado ka dhaca doorashooyinka lagu wado in bisha Augosto ay ka dhacaan Kenya.

War kooban oo kazoo baxay wazaaradda arimaha dibadda ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in ay suuragal tahay in halkaa ay ka dhacaan dibadbaxyo iyo mudaharaadyo Nabadeed oo isku bedela Rabshado taasi oo sameyn ku yeelankarta muwadininta marekanka.

Wazaaradda  waxaa ay muwadininteeda ku war galineysaa in ay yareyaan socdaaladda aan muhimka aheyn oo ay ugu socdaalayaan Kenya ayaa lagu yiri warka.

Dhowr jeer  ooh ore waxaa ay wasaaraddda arimaha dibadda Mareekanka usoo saareen Digniino ay muwadinintooda kaga digayaa Kenya taasi oo la xariirtay cabsida ay kaqabaan in muwadinintoodu ay la kulmaan weeraradda xarakadda al-shabaab.

W/Q: Zakariye Maxamuud Cali Qaran.