AL-Shabaab Oo Xuriyadooda Dib U Siiyey Shaqaale Caafimaad Oo AY Ka Afduubteen Hiiraan.

0
311

xarakadda alshabaab ayaa sii daayey shaqaale caafimaad oo dhawaan ay ka afduubteen meel qiyaastii 10 km ujirta magaaladda beledeyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

shaqaalahan oo kakoobnaa 5 ruux oo isugu jiray dhaqaatiir iyo darawalkii gaariga ku kaxeynaye ayaa waxa ay ka tirsanaayeen Ururka Dhaqaatirta Xanaanadda Xoolaha Gobolka Hiiraan.

Arbacadii lasoo dhaafay ayaa dagaalyahano hubeysay oo katirsan xarakadda alshabaab ay ka afdubteen deeganka Caluula Cad oo 10 Km Ujira Beledweyne.

warar ka qaar ayaa sheegaya in dagaan yahanadda alshabaab ay willi gacanta kuhayaan mid kamida Dhaqaatiirta oo aan willi lasii deyn.

Al-shabaab willi kama aysan hadlin afduubkan iyo waxa ay kaga gonleeyihiin ama ujeedada ka dambeyso iyo arimaha la xiriira afduubka dhaqaatiirta goboladda oo ay dhawaanahan kordhiyeen.

waxaa xusid mudan in kol hore alshabaaab ay deegaanadda maamulka jubaland ka kaxeysteen dhaqaatiir dhowr ah oo willi gacanta ugu jira.