Wasiirka Amniga oo dhoolatuskii u horeeyay sameeyay,Xalay

0
331

 

 

 

 

 

Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa xalay sameeyay dhoolatuskiisa u horeeyay, isagoo  xilli dambe kormeero howleed ku tagay magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda, waxaana uu u kuur galayay xaalada amniga ee magaalada.

 

Wasiir Ducaale oo xirnaa dareyska Milateriga ayaa kormeer ku tagay Koontaroolada gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho, waxaana uu u muuqday nin u caabonaa howsha loo xil saaray.

Kormeerkan ayaa ahaa kii u horeeyay ee Wasiirka sameeyo, saacado kaddib markii uu xilka la wareegay, waxaana uu kala hadlayay Ciidamada heeganka ku jiray inay dar dar geliyaan howlaha ammaanka.

Waxaa uu ammaan u jeediyay Ciidamada ku sugan Koontaroolada laga soo galo magaalada oo had iyo jeer heegan ugu jira howsha sugida amniga.

Tallaabadan ayaa noqoneysa tii u horeysay ee uu qaado Wasiirka cusub ee Aminiga Maxamed Abuukar Islow, waxaana uu balan qaaday markii shalay uu xilka la wareegay inuu qaadayo tallaabooyin cad cad oo lagu sugayo ammaanka dalka iyo Caasimada.

 

W/Q;Cabdi qani Cumar Xasan