Qaramada Midoobey oo ku baaqday in wax laga qabto Burcadbadeeda

0
327

 

 

 

 

 

 

 

Qaramada Midoobey ayaa ku baaqday in si deg deg ah wax looga qabto Falalka kooxaha Burcabadeeda Soomalida ay ka geysanayaan xeebaha Soomaaliya.

Madaxa Laanta Qaramada Midoobey u qaabilsan La-dagaalanka Daroogadda iyo Dambiyadda ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dalalka caalamka ay u soo jeestaan Qatarta ka dilaacday Soomaaliya.

Yury Fedotov ayaa xusay in Bilihii lasoo dhaafay kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ay qaadeen tilaabooyin laga naxo.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in ay garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya si looga hortago in khatarta Burcad Badeeda in ay sii baahdo.

Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ayaa soo laabtay bilihii lasoo dhaafay waxaana hadda gacantooda ku jira doomo Ganacsi.

Sanadkaan Gudihiisa ayaa waxa ay geysteen Afduubyo kala duwan waxaana ka mid ah Afduubkii ay ugu geysteen Markabkii ARIS 13 ee degmada Calluula ee gobolka Bari.

Waa markii afraad ee doonyo lagu afduubo xeebaha Soomaaliya  bil gudaheed, waxaana wararku sheegayaan in tallaabooyinkan u muuqdaan soo rogaal-celiska burcad badeedka ay salka ku hayaan kalluumaysiga sharcidarrada ah, sida ay khubarada qaar ku doodeen.

 

W/Q;Cabdi qani Cumar Xasan