Jaamacadda Capital oo deeq gargaar ah gaarsiiyay barakacayaal

0
290

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Maamulka iyo Ardayda Jaamacadda Capital ee magaalada Muqdisho ayaa maanta deeq gar gaar ah, waxay gaarsiiyeen qaar ka mid ah qoysas dhowaan kusoo barakacay duleedka magaalada Muqdisho .

 

In ka badan 150 qoys oo ka mid ah barakacayaasha ku nool deegaanka Tareedisho ayaa la gaarsiiyay Deeq isugu jirtay Bacaha Aqalada lagu dahaaaro  Caagadaha Biyaha lagu shubto , Saliyo iyo sidoo kale Raashin.

Dr Axmed Gacal Caraboow, gudoomiyaha Mu’asasada Jaamacada Capital oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in deeqdan ay iska soo aruuriyeen Ardayda , Macalimiinta iyo Maamulka Jaamacadda Capital, ayna ugu talo galeen in lagu samato bixiyo dadka dhibaateysan ee ku sugan duleedka Muqdisho.

Waxaa uu sheegay inay sii wadayaan gurmadyada nuucaan ah ee lagu gar gaarayo dadka saameynta ay ku reebtay abaarta, isla markaana soo maciinbiday duleedyada magaalada Muqdisho, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay u guntadaan sidii ay u caawin lahaayeen walaalohooda dhibaateysan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Jaamacaddu gurmad caawimaad ah u sameyso dad dhibaateysan, waxaana dhowaan gargaar caafimaad ay u sameysay bukaano xanuuno kala duwan qabay , kuwaas oo ay ka caawisay sidii ay u heli lahaayeen Dawooyin Caafimaad.

 

W/Q; Cabdi qani Cumar Xasan