Isdiwaan Gelinta Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug oo maanta ku eg

0
294

 

 

 

 

Sida ay horay u shaaciyeen Guddiga Doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug waxaa maanta ku eg Isdiwaan Gelinta Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha maamulka Galmudug.

Isdiwaangelinta oo bilaabatay 1-4-2017 ayaa waxaa loogu tala galay in lasoo gabagabeeyo maanta.

Ilaa iyo hadda lama ogga  Musharaxiinta Isdiwaan geliyay laakiin Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu waddaa Saacadaha soo socda in ay shaaciyaan tirada musharaxiinta Isdiwaan geliyay.

10-Bishaan lagu wadaa in Magaalada Cadaado lagu qabto Doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug.

 

W/Q;Cabdi qani Cumar Xasan.