DEG DEG: Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay agagaarka Dugsigii Yaasiin Cusmaan

0
322

 

 

 

 

 

 

 

Qarax xooggan oo loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhow ka dhacay agagaarka Dugsigii Yaasiin Cusmaan

Qaraxan oo ahaa mid xooggiisa laga maqlay inta badan magaalada, ayaa si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha uu geystay, iyadoo ay tahay xilli hore.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday maqaayad ku dhow Dugsiga Yaasiin Cusmaan, kaasoo ka soo hor-jeeda Xarunta Wasaaradda Dhalinyarada iyo isboortiga.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in qarax baabuur loo adeegsaday uu ka dhacay maqaayad lagu qaxweeyo oo ka soo horjeeda Xarunta Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga

Goob joogayaal ku sugan degmooyinka Shingaani iyo Boondheere ayaa sheegaya inay arkayeen qiic iyo uuro ka baxayay inta u dhaxeysa Xarunta wasaaradda Dhalinyarada iyo isboortiga iyo Dugsigii Yaasiin Cusmaan.

kala soco”Websitka gargaar.net” wixii warar ee ku soo kordha.

 

 W/Q; Cabdi Qani Cumar Xasan