“Dadka Jarmalka Oo Aadi Doona Kaniisad Ku Taala Talyaaniga Si Ay Ugu Duceeyaan Manuel Neuer” Bild Ayaa Lagu Qoray.

0
293

 

 

 

 

 

 

Ka hor kulanka Champions League-ga ee Real Madrid iyo Bayern Munich, kooxda jarmalak ah ayaana si aad ah uga walwalsan fayaqabka ciyaariyahankooda Manuel Neuer.

Faalo lagu qoray maalintii talaadada aheyd laguna qoray Bild ayaa shaaca ka qaadeysa sida ay dadka Jarmalka uga walwalsan yahiin dhaawaca seejin Kara Neuer kulanka weyn ee quarter final-ka.

“Waxaa jira dad badan oo Jarmal ah kuwaas oo aadaya Rome xiliga fasaxa” ayey ku bilaabatay, “marka ay galaan xarunta St Peter’s Basilica {Kaniisad ku taala talyaaniga} waxey u duceyn doonaan Bayern Iyo Neuer”Dhaawacii soo gaaray Manuel Neuer wuxuu seejiyay kulankii ay Bayern ka badiyeen Augsburg iyo sidoo kale kulankii ay guuldarada kala kulmeen Hoffenheim.

Carlo Ancelotti ayaa rajeynaya in xidigaan uu dib ugu soo laabto kooxda kulanka Borrusia Dortmund, iyadoo sidoo kale ay jirto walwal balaaran oo laga qabo kulanka 12-ka April ee Real Madrid.

Macalinkaan reer talyaani iyo saxaafadda Jarmalka ahba waxba kama sheegin dhaawaca xidigaan, iyadoo macalinkii hore Los Blancos uu rajeynayo inuu dib u helo Neuer iyo Costa.

Inuu maqan yahay waxaa boos ku helay Sven Ulreich kaas oo 28-jir ah, waana goolhaye kasoo muuqday shan kulan kooxda, laba jeer Pep Guardiola, sadex jeer Ancelotti.

Xili ciyaareedkii hore wuxuu kasoo muuqday kulankii Nottingem iyo sidoo kale kulan ay wajaheen Dinamo xilli Bayern Munich ay xaqiiqsatay iney usoo baxday UCL.

Sanadkaan kaliya wuxuu ciyaaray sadex kulan oo qura isagoo kasooo muuqday guushii Ausburg, guuldaradii Rostov iyo kulankii ay guuldarada xalay kala kulmeen Hoffenheim markaas oo laga adkaaday horyaalka Bundesliga.

Ugu dambeyntii Ulreich ayaa kaga soo biiray Bayern Munich Stuttgart sanadkii 2015, markaas oo uu kooxda ka badalay Pepe Reina

W/Q;Cabdi qani Cumar Xasan