Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga oo maanta kormeer ku tagay Xarunta Wasaaradda

0
363

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

 

Kormeerkan ayaa waxaa Wasiirka cusub ku wehliyay Wasiirkii hore Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jen. Maxamed Aadan Axmed.

Wasiirka cusub ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, waxaana kaddib uu mid mid u kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay xarunta wasaaradda Gaashaandhigga.

Kormeerka Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa qeyb ka ahaa wajiga koowaad ee xil wareejinta, iyadoo la filayo in dhowaan uu si rasmi ah xilka ugala wareego Wasiirkii hore.