Maxaa Iska Badalay Kala Sareynta Goolasha, Caawinta, Baasaska & Badbaadinta Horyaalka Premier League Kadib Kulamadii Isbuucaan?

0
321

Kulamadii 30-aad ee horyaalka Premier League ayaa la ciyaaray sabtidii iyo Axaddii waxaana guulo gaaray kaliya marka la fiiriyo 7-da kooxood ee ugu sareysa Liverpool iyo Tottenham Hotspur kuwaas oo goolal fiican kaga badiyay Everton iyo Burnley.

Chelsea waxey guuldaro kala kulantay Crystal Palace, halka Manchester United ay barbaro la dhaafi weysay West Brom, halka labada kooxood ee City iyo Arsenal ay barbaro ku heshiiyeen kulankoodii Emirates Stadium.

Kadib kulamadii todobaadkaan, waxaan fiirin doonaa xogaha ugu waaweyn horyaalka Premier League iyo isbadalkii ku yimid isbuucaan.

GOOLDHALINTA:

Gooldhalinta waxaa hogamaninaya weeraryahanka Everton Romelu Lukaku kaas oo dhaliyay 21-gool, waxaana kaalinta labaad ku jira Harry Kane oo dhaliyay 19-gool kana tirsan Tottenham Hotspur, halka booska 3-aad uu ku jiro Alexis Sanchez oo dhaliyay 18-gool.

LIISKA KALA HOREYNTA:

1. Romelu Lukaku (Everton) 21-gool

2. Harry Kane (Tottenham) 19-gool

3. Alexis Sanchez (Arsenal) 18-gool

4. Diego Costa (Chelsea) 17-gool

5. Zlatan Ibrahimovic (Man United) 15-gool

DHANKA CAAWINTA:

Caawinta waxaa ka hor kulamadii isbuucaan hogaaminayaya wiilka Swansea iyo xulka qaranka Iceland Gylfi Sigurdsson kaas oo lahaa 11-caawin, balse todobaadkaan waxaa barbareeyay Kevin De Bruyne oo caawiyay goolkii hogaanka u dhiibay Manchester City Leroy Sane.

KALA HOREYNTA:

1. Kevin De Bruyne (Man City) 11-caawin

2. Gylfi Sigurdsson (Swansea City) 11-caawin

3. Christian Eriksen (Tottenham Hotspur) 10-caawin

4. Alexis Sanchez (Arsenal) 9-caawin

5. Matt Phillips (West Brom) 8-caawin.

BAASASKA IYO BADBAADADA:

Baasaska ugu badan ee horyaalka Premier League waxaa sameeyay kabtanka Liverpool Jordan Henderson kaas oo sameeyay 2,057, waxaana kusoo xiga Paul Pogba kaas oo sameeyay 1,879 baas, Cesar Azpilicueta ayaa sidoo kale noqday kan sadexaad wuxuuna sameeyay 1,864.

Dhanka kale badbaadada ugu badan horyaalka waxaa sameeyay Tom Heaton 115-badbaado ayuuna sameeyay xiddiga Burnley, Ben Foster ayaa 99-badbaadin sameeyay halka wiilka Sunderland Pickford uu sameeyay 96-badbaadin.