Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geeridii Wasiirkii hore ee Dekedaha

0
305

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Marxuum Nuur Faarax Xersi oo ahaa Wasiirkii Dekedaha iyo Gadiidka Badda ee xukuumadii hore oo saakay ku geeriyooday Muqdisho.

 

Allaha u naxariistee Nuur Faarax ayaa maalmahan ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho, isagoo lagu daweynayay Isbitaalka Erdogan Ex Digfeer, kaddib markii maskaxda dhiig kaga furmay.

Madaxweynihii hore ayaa tacsi u direy qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuumka, wuxuu ahaa masuul waddanka u soo shaqeeyey, waddani ah oo howlkarnimo u sii dheertahay. Madaxweye Xasan Sheikh Maxamud ayaa yiri

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun Allaha u naxariisto Nuur Faarax Xersi oo ahaa Wasiirkii Dekedaha iyo Gadiidka Badda ee xukuumadii hore, samir iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, Jannadii Firdowsana Allaha ka waraabiyo. AAMIIN.

Maanta duhurkii ayaa lagu aasay magaalada Muqdisho, iyadoo salaadii janaasada ee lagu dukaday meydkiisa ay ka qeyb galeen Madaxda ugu sareysa dowladda, kuwaasoo ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid.