Madaxtooyada oo yeelaneysa Wariye gaar ah oo aan ka howl gelin Warbaahinta dowladda

0
317

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa markii u horeysay yeelan doonta Wariye gaar ah oo aan ka howl gelin Warbaahinta dowladda, iyadoo Wariyahan si gaar ah uga soo warami doono arrimaha Madaxtooyada iyo Safarada Madaxweynaha ku tagayo dalalka dibadda.

 

Qeybta Warbaahinta Madaxtooyada ayaa lagu sameynayaa dib u habeyn, iyadoo u shaqeyn doonto si ka duwan qaababkii horay loogu bartay.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Kooxda Madaxweynaha u qaabilsan dhinaca Warbaahinta ay qorsheynayaan sidii ay Wariye uga soo qaadan lahaayeen banaanka, oo aan horay uga soo howl gelin Warbaahinta dowladda, sida Raadiyaha iyo Telefishinka SNTV uga howl geli lahaa.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Wariyihii SNTV u qaabilsanaa Madaxtooyada uu dhowaan geeyay ruqsad, kaddib markii ay soo baxeen dhaliilo iyo shaki laga muujiyay kooxdii horay uga shaqeyneysay dhinaca Warbaahinta, taasoo ka dhalatay qaladaad dhacay.

Raadiyaha iyo Telefishinka dowladda ayaa leh Wariye uga soo warama Xafiisyada hey’adaha dowladda, iyadoo Madaxda dalka ay Wariyeyaal ka tirsan wrabaahinta dowladda u raacaan safarada ay dibadda ku tagaan.

Sidoo kale is bedelka lagu soo kordhin doono qeybta Warbaahinta Madaxtooyada ayaa la sheegay inay ka mid tahay in Wariyeyaasha aan mar walba loo ogolaan doonin in Madaxtooyada tagaan, taa bedelkeed wararka ama muuqaalada lagu siin doono qaab Flash disk ah.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii ay Madaxtooyada ka baxeen qaladaad muuqaal, mudadii Madaxweyne Farmaajo xafiiska joogay.

Tallaabooyinka cusub ee dhinaca warbaahinta lagu soo kordhinayo Madaxtooyada ayaa la ogeyn sida Warbaahinta dowladda u saameyn doonto, iyadoo Kooxda cusub ee Madaxtooyada u qaabilsan Warbaahinta ay markii horeysay soo kordhin doonaan Wariye aan SNTV ama Radio Muqdisho ka soo howl gelin inuu si toos uga shaqeeyo Madaxtooyada, isla markaana noqon doona kan wararka laga qaadan doono oo Warbaahinta dowladda siin doono.

Sidoo kale haddii tallaabadan suurta gasho ayaa waxay noqoneysa in laga maarmi doono Wariye ka tirsan SNTV oo wixii hada ka dambeeya ka soo warama Madaxtooyada.

Nidaamka shaqaalaha rayidka ee dowladda ayaa ah nin aan hey’adaha dowladda ka shaqeyn ama soo marin shuruudihii shaqaaleysiinta aanu ka shaqeyn karin Xafiisyada dowladda.