Barcelona Oo Granada Garoonkeeda Ku Soo Xasuuqday, Neymar JR Oo Dhaliyay Goolkiisii 100-Aad Ee Barca Iyo Kooxda Enrique Oo Laba Dhibcood Ku Soo Koobtay Farqiga Dhibcaha Ay U Jirto Real Madrid

0
310

Barcelona ayaa guul muhiim ah ka soo gaadhay kooxda Granada oo ay marti u ahayd waxayna kooxda Luis Enrique laba dhibcood ku soo yaraysay farqigii dhibcaha ee ay u jirtay Real Madrid oo xili hore guul ka sii gaadhay Alaves. Luis Suarez ayaa goolka furitaanka Barcelona u dhaliyay balse Alcacer ayaa markale Barcelona hogaanka u soo celiyay kadib markii Granada barbaraha la timid.

Laakiin Ivan Rakitic ayaa sabab u noqday in goolka saddexaad ay Barcelona hesho halka Neymar JR uu dhaliyay goolkiisii 100 aad ee waayihiisa ciyaareed ee Barcelona. Barcelona ayaa ka soo gudubtay imtixaankii Graranada oo sideedii daqiiqo ee ugu danbaysay 10 ciyaartoy ku dhamaysatay.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

GRANADA(5-4-1): Ochoa; Foulquier, Saunier, Lomban, Silva, Litri; Pereira, Uche, Angban, Wakaso; Kravets.

KAYDKA: Rui Silva, Sergi Samper, Ramos, Boga, Cuenca, Ingason, Estupinan.

BARCELONA(4-3-3): Ter Stegen; Sergi Roberto, Mascherano, Mathieu, Jordi Alba; Rakitic, Busquets, Andre Gomes; Rafinha, Suarez, Neymar.

KAYDKA: Denis, Iniesta, Cillessen, Alcacer, Digne, Umtiti, Alena.

Labada kooxood ayaa ku bilawday laba qorshe oo kala duwan waxayna Granada doonaysay in ay si buuxda difaac ugu jirto isla markaana ay weeraro deg deg ah dhibaato ugu abuurto Barcelona,laakiin kooxda Luis Enrique oo si wayn u tabaysay hal abuurkii Lionel Messi iyo Iniesta oo kaydka fadhiyay ayaa abuuraysay fursado xidhiidh ah balse dhibta ugu wayn ayaa ahayd in goolhayaha Granada ee Ochoa uu soo bandhigay qaab ciyaareed aan la rumaysan karin.

Luis Suarez ayaa si joogto ah u helayay fursado goolal cadaan ah lagu dhalin karayay laakiin goolhayaha ree Mexico ee Ochoa ayaa sameeyay badbaadin aan la rumaysan karin. Ma kala gala garan kartid haddii uu Granada ay haysatay Maneul Neuer iyo in Ochoa uu sameeyay badbaadin haddii ay samayn lahaayeen goolhayayaasha kooxaha waa wayni si wayn looga sheekayn lahaa.

DAQIIQADII 17 AAD Luis Enrique ayay qasab ku noqotay in uu xili hore shaxdiisa isbadla ku sameeyo kadib markii uu dhaawac soo gaadhay Rafinha Alcântara waxaana kaydka looga yeedhay Paco Alcacer. Laakiin Barcelona ayaa sii waday mawjado weeraro isdaba joog ah balse waxay ku dhamaanayeen difaaca oo iska soo saara iyo goolhaye Ochoa oo badbaadin sameeya.

DAQIIQADII 24 AAD BIRTA GOOLKA!! Luis Suarez ayaa u muuqday in uu dhaliyay goolka furitaanka ee Barcelona ay fursadaha badan u lumisay laakiin darbo cajiib ah oo uu tuuray isla markaana uu si fiican ugu garaacay goolhaye Ochoa ayaa birta goolka ka soo booday iyada oo Neymar uu kubbadan gool ku dhaliyay balse waxa uu ku jiray offside.

DAQIIQADII 27 AAD Goolhaye Ochoa ayaa indhaha aduunka xaday kadib markii uu Luis Suarez iyo Paco Alcacer uu ka badbaadiyay fursado isku xigay oo goolal cadaan ah loo fishay waxayna Barcelona sidoo kale ka cadhaysnayd in garsooruhu aanu qaladaad badan u qaban.

Waqti kadib Luis Suarez ayaa kubbad ku helay xerada ganaaxa Granada laakiin difaaca Granada ayaa si cadaan ah xidiga ree Uruguay u qabsaday isla markaana fursada uu goolka ku dhalin lahaa  kaga beeniyay balse garsooraha ayaan wax xiiso ah u ahayn in uu rekoodhe tilmaamao inkasta oo ciyaartoyda Barca ay cabasho ka muujiyeen. Granada ayaa nasiib ku lahayd in aan markan rekoodhe lagu dhigin.

DAQIIQADII 44 AAD GOOOOOOOOOOOOL!! Ugu danbayn  Luis Alberto Suárez oo halista ugu wayn ku ahaa goolka Granada ayaa si cajiib ah u garaacay goolhayaha inkaarta wayn ku ahaa ee Ochoa isaga oo Jordi Alba kubbad ka soo tuuray meel goolka Barcelona wax yar ka soo horaysa balse Suarez ayaa markiiba kubabda ka hor qaatay difaaca Granada wuxuuna si farsamo kudheehan tahay kubbada uga dulqaaday goolhaye Ochoa oo u soo baxay in uu kubbada iska badbaadiyo waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Barcelona ugu danbayn hogaanka ku qaybatay.